| Quluubta waxay udhexaysa qalayl dunuub iyo raxmada istiqfaarta | Waa maxay qalbigu?
| Qalbigu waa cad yar oo ku yaala korka dhiniciisa bidix ee laabta , macna ahaana waa Fu?aadka Insaanka oo Ilaahayna Ka hadlay, waana guriga / hooyga Imaanka , Taqwada, Ixtiraamka, Thikriga, Jacaylka iyo Nabadgalyada
sidoo kale waa guriga Kufriga . Nifaaqa , Riyaaga , Xiqdiga , Xaasidnimada , Karaahiyada iyo Walwalka,
Waxuu tilmaamay Rasuulku s.c.w. siday isugu xidhan yihiin Imaanka iyo qalbigu waxuuna yidhi Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay (( Imaanka ma aha rajo ee waa wax ku sugnaaday qalbiga camalkuna ka run sheegay )) sidoo kale waxuu yidhi Rasuulku s.c.w. [ lama aqbalo Imaan aanu la socon Camal sidoo kale Camal aanu la socon Imaan] |